Gabar Soomaali ah oo qabsatay baraha bulshada (Balse waxa ay caan ku noqotay ma aha wax u qurxoon sida aad moodayso)

0

(Los Angeles) 20 Nof 2021 – Dad caan ah oo reer Los Angeles ayaa jeedinaya eedeymo ku saabsan in ay dhibanayaal u yihiin khayaanada gabar Soomaali ah oo la yiraahdo Safiya (Sophia) Nuur kaddib markii la bilaabay hashtag la yiraahod #SurvivingSophia oo ka socda Twitter.

Dadka eedda jeedinaya oo ay ku jiraan xiddigaha warbaahinta bulshada iyo dad caan ah oo ay ka mid yihiin Jeff Wittek, Rickey Thompson, iyo Denzel Dion, ayaa farriintooda soo mariyey Twitter-ka, oo haatan yeeshay meel muuqaal toos ah lagu duubi karo.

Waxa Safiya lagu eedeeyay in ay si farsamaysan ku xaday $11 milyan oo doollar iyada oo iska dhigaysa dhibbane soo martay arrin naxdin leh oo deeto dadkaa saamaynta leh ee ay khiyaamaysay waydiisanaysa lacag.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa tilmaamaya in sheegashada 11 milyan oo doolar loo malaynayo ay noqon karto mid aan yara caddayn, balse lacagta ay farsamaysay ay ku dhowdahay boqol kun oo qura.

Waa maxay #SurvivingSophia ee ka socda barta Twitterka?

Hashtag-ku wuxuu daaha ka qaadayaa eedeymo badan oo ka dhan ah Nuur oo kuwaasoo kaga imanaya dadka saameeynta leh ee LA ee la falgalay iyada.

Nuur ayaa la sheegay in ay u soo guurtay LA balse hadda wacaalkeeda lama hayo oo waa ka baxday baraha online-ka ah iyo kooxihii ay saaxiibada la ahaan jirtay, maadaama eedeymahaasi ay soo shaac baxeen.

Sophia Nur ayaa iyadoo sheeganeysa inay xiriir la leedahay fanaaniinta Wittek iyo Jack Harlow, waxay galaangal u heshay goobaha ay bulshadu ku kulanto iyo xitaa koontooyin bangi.

Gabar Camille la yiraahdo ayaa sheegtay inay gabadhan u iibisey tigid diyaaradeed isla markaana hoteel u kiraysey halka ay amaahisay lacag ay ku bixisay PayPal, taasoo aysan abid dib u bixinin.

Jeff Wittek ayaa isagu ku andacoonayaa inuu Sophia Nuur xitaa siiyey kaarkiisa lacagta daynta ah (credit card), balse ay si xun u khiyaamaysay, iyadoo isaga iyo Suzy Antonyan ay Nuur kula kulmeen gudaha LA, iyadoo sheeganaysa inay la shaqayso  ama saaxiib la tahay dad caan ah oo ay yaqaannaan sida Jack Harlow.

Gabadha ayaa mararka qaar ku qaraabanaysey inay hooyadeed ay geeriyootay, oo ay u baahatay ilaa $4,000 oo doollar si ay u daboosho dhammaan kharashaadka aaska.

Rickey Thompson, oo YouTuber ah isla markaana Instagram-ka saameyn ku leh, ayaa daaha ka qaaday intii ay wada sheekeysanayeen inuu Nuur siiyay furaha gurigiisa, oo uu aad usoo dhoweeyey, ilaa uu ka xaqiiqsado inay khiyaanayso lacagtiisa oo ay boorsadiisa ku maqnayd.

Sophia Nur ayaa mararka qaar sheegaysey inay LA u timid dad ay Soomaalinnimo uun isu xiriirinayeen iyaguna ay gurigoodii kasoo eryeen oo aanay aqoonin meel ay ciirsato.

Yeelkeede, qaar ka mid ah isticmaalayaasha Twitter-ka ayaa la saftay Sophia Nuur. Waxayna sameeyeen summada Twitter ee #SurvivingSophia, iyadoo ku maadsanaya sida fudud ee loo khiyaamay dadkaa caanka ah.

Isticmaalayaasha ayaa sidoo kale is barbar dhigaya khiyaanooyinka Sophia Nur iyo kan caanka ah ee Bling Ring, kuwaas oo ahaa koox tuugo ah oo xatooyo ka sameeyay agagaarka Calabasas, California. Dhalinyaradu waxay jabsadeen dhowr guri oo caan ah, oo ay ku jiraan Paris Hilton, Lindsay Lohan, iyo Rachel Bilson.

Ring The Bling ayaa xitaa laga sameeyey filim sanadkii 2013-kii, waxaana jilaya Emma Watson, Taissa Farmiga, iyo Leslie Mann.

Bogga Twitter-ka ee Sofiya Nuur ayaa haatan hawada laga saaray maadaama ay u muuqato in gabadha laga waayay internetka, iyadoo dad badan ay is weydiinayaan bal in aan waligeen maqli dhinaceeda sheekada.

Halkan ka arag hashtag-yada….

Halkan ka arag hashtag-yada….

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media