”Wiilkeennu wuxuu dhintay laba jeer!” – Qoys aad uga xumaaday nin loo xukumay dilka wiilkooda oo misna lasii daayey (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 18 Nof 2021 – Waxay ahayd 2da Oktoobar sanadkii tegey, markii maalin cad Wissem Messaoudi oo 25-jir ahaa lagu toogtey maxaddo basku istaago oo ku taalla Valsta oo aan sidaa uga fogayn Stockholm.

Yeelkeede, nin loo qabtay dilkiisa oo weliba xabsi daa’in lagu xukumay ayaa markii dambe lasii daayey iyadoo xukunkaa loo cuskaday in caddaymaha la keenay aanay ku fillayn xukunka la ridey.

Qoyska wiilka la khaarajiyey oo u warramay SVT ayaa haatan sheegay in markale la damqiyey dhaawacii niyadeed ee horay u gaarey oo qamuunyadii iyo murugtii ay ka qaadeen geerida wiilkooda uu uga sii daray in rafcaan lagu sii daayey ninkii loo haystey dilkiisa.

Waxay ahayd bishii Sebtembar, markii ay Maxkamadda Rafcaanka Svea ay xukuntay inaan dembi lagu haynin eedaysanaha oo horay loogu xukumay Maxkamadda Degmada, ha yeeshee, dacwad oogaha dadwaynaha ayaa soo jeediyey in kiiska loo diro Maxkamadda Sare.

Hadalsame Media