”Cali sidan ma mudnayn!” – Saxaafadda UK oo aan sidii la rabey uga hadlin wiil Soomaali ah oo dhintay isagoo badbaadinayey haweeney da’ ah

0

(London) 18 Nof 2021 – Wiil da’yar oo Soomaali British ah oo dhintay isagoo isku deyaya inuu haweenay waayeel ah ka badbaadiyo kooxo middiyo ku weerarayey ayaan helin qiimayntii uu mudnaa, marka gaar ahaan loo eego sidii ay saxaafadda Britain u qaadaa dhigtay dilkii uu ninka Soomaaliga ihi u gaystey xildhibaankii ruugcadaaga ahaa.

Ali Abucar Ali, 20-jir, ayaa Jimcihii hore dhintay jeer uu hollinayey inuu badbaadiyo Betty Walsh, 82-jir, taasoo lagu middiyeeyey laguna feerey dukaan Kabaab oo u dhow gurigeeda Galbeedka London gaar ahaan xaafadda Brentford, oo intii dhagax la tuuro u jira gurigii uu ku barbaaray Abuukar.

Wiilkan oo dhiganayey jaamacadda Kingston University sidoo kalena macallin u ahaa kooxda kubadda kolayga wiilasha ee Chiswick Gators Basketball Club oo ah ilmo 6-10 jirro ah, ayaa shilka la kulmay kaddib markii uu kasoo baxay wax noqday tababarkiisii ugu dambeeyey.

Eedaysanaha, Norris Henry, 37-jir, ayaa Isniintii kasoo muuqday Maxkamadda Uxbridge Magistrates’ Court, isagoo loo haysto dilka Abuukar iyo isku dayga dilka Walsh, waxaana loo bedeley Maxkamadda London ee Central Criminal Court oo shalay la hor taagey sida ay BBC sheegtay.

Dadka ayaa bilaabay qorshe lacago loogu ururinayo qoyskiisa, taasoo ay ilaa haatan ka yimaadeen lacago kala duwan, balse dhibku waa sida loo yareeystey tillaabada naf-hurnimada ah ee uu sameeyey.

”Wiilkii Soomaali ga ahaa ee bishii hore dilay xildhibaankii ingiriiska ahaa, joornaallada dhan waxay ciwaan uga dhigeen dhacdada ‘wiil Soomaali oo gawrac argagaxisnimo ah gaystay. Galbeedka haddii ay xumaan kaa dhacdo waa lagugu abtirinayaa, haddii aad fal halyaynimo samaysana waa lagaa dafiri oo badda baa la raacinayaa.” ayuu yiri Cabduraxiim Shaafici oo sheegay in wiilka dhintay ay saaxiib ahaayeen wiilkiisa.

Hadalsame Media