DAAWO: ”War dhegeysigii waxaan dhaafay markii aan arkay mid Nairobi jooga oo Somalia ka warramaya!” – Uhuru Kenyatta

0

(Nairobi) 18 Nof 2021 – MW Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa si xirfadaysan u dhaliilay saxaafadda isagoo meel madal ah ka hadlaya taasoo ay xaadir ku ahaayeen dad kala duwan oo uu shisheeye ku jiro.

Wuxuu taabtay qodob qeexaya in ay Nairobi tahay xarunta xogaha beenta ah (fake news) looga kala diro caalamka, iyadoo warar laga soo dhegadhegeeyey meelo fog fog halkaa lagu sameeynayo.

”Waxaan warka iska daayey markii aan arkay Al Jazeera, CNN, BBC, SKY mid kastoo aad u wareegto waxay ka sheekaynayaan Rwanda, South Sudan, Itoobiya, Somalia ilaa Nigeria oo ah dhanka kale ee qaaradda (Afrika),” ayuu ku bilaabay.

”Deetana marka uu xariifku ka baxayo wuxuu ku xirayaa ”John White oo kasoo warramaya Nairobi.” ayuu ku kaftamay Uhuru Kenyatta oo dadkii ka qosliyey.

Meelaha haatan wararka been abuurka ah aad looga faafiyo waxaa ugu horreeya dagaalka Itoobiya, halka Somalia sanado badan aan wax khayr ahba laga werin, marka la eego wajhadda aragti ee istiraatijiyadaysan ee warbaahinta Galbeedka.

Hadalsame Media