”Nin baad noo qariseen!” – Muran yaab leh oo ka dhex dillaacay dalalka Urdun & Iiraan!! (Goolwalaha oo jawaabey)

0

(Hadalsame) 17 Nof 2021 – Xiriirka Kubadda Cagta Urdun ayaa cabasho rasmi ah sameeyey isagoo codsaday in la sugo jinsiga goolwalaha xulka haweenka Iiraan, iyagoo dood ka qaba inuu dheddig yahay. Halkan ka arag sawirrada…

Amiir Ali Bin Al Hussein oo horay ku xigeen uga ahaa FIFA, ayaa warqadda cabashada ah ee kasoo baxday JFA u diray Xiriirka Aasiya ee AFC si loo baaro laacibadda.

Iiraan ayaan se la dhicin tillaabadaas iyadoo sheegtay in kulaylku uu meel kale ka imanayo. “Ka hadalka jinsiga goolwalaha waxaa keentay guuldarradii Urdun ka gaartey gabdhaha Iiraan.” ayay tiri Maryam Irandoost, oo macallin u ah gabdhaha Iiraan.

Qofka la haysto oo ah Zohreh Koudaei ayaa is difaacdey iyadoo daandaansi ku tilmaantay in jinsigeeda la isku qabsado, waxayna ku gooddisey inay dacwaynayso xiriirka Urdun ee JFA.

Koudaei oo ayaa laba rigoore ka duubtay gabdhaha Urdun kulankii ay ku badiyeen 4-2 ayaa tiri: ”Anigu waxaan ahay haweeney, in taa la ii diidana waa waabsi. Waan dacwayn doonaa xiriirka Urdun.” sida uu qorayo wargayska Turkish-ka ah ee Hurriyet.

Hadalsame Media