Magaalada Berbera oo amaan & abaalmarin caalami ah ku mutaysatay adeeg ay samayso

0

(Hadalsame) 18 Nof 2021 – Magaalada Berbera ayaa ku guulaysatey abaalmarin caalami ah oo ay bixisay hay’adda QM carruurta ugu qaybsan ee UNICEF.

”Waxaannu ku faraxsan nahay in aannu ku dhawaaqno in Berbera oo ka tirsan Somaliland, Somalia, ay ku guulaysatey inay ka mid noqotay magaalooyinka ”carruurta u roon.”

UNICEF Afrika ayaa sheegtay inay abaalmarintan u cuskatay in magaalada Berbera ay ballaarisay daryeelka daryeel caafimaad iyo waxbarasho ee carruurta.

Hadalsame Media