Iskuulka Islaamiga ah ee Römosseskolan oo dhinac kale looga dheggan yahay (Dhegeyso)

0

(Gothenburg) 17 Nof 2021 – Dhamaanba 3-da iskuul ee hoos taga Römosseskolan ee magaalada Göteborg ayaa laga saari karaa guryaha ay deggan yihiin dhaqaale xumo darteed.

Dugsiyada Römosseskolan ayaa lagu leeyahay lacago kiro ah oo gaaraya 700,000 oo karoon, taasoo keeni doonta in guryahaa laga saaro haddii aanay si iskood ah uga guurin, sida uu sheegay Axel Darvik (L).

Yeelkeede, qarreenka u doodaya Römosseskolan ayaa rumaysan in lacagaha kirada ah ee laga doonayo iskuulka loo goosan karo lacagta uu iskuulka laftiisu ku leeyahay Maamulka Göteborg taasoo gaaraysa dhowr milyan oo karoon.

Dhanka kale, 470 ka mid ah 600 oo arday oo iskuulladan dhiganaysey ayaa haatan aqbalay inay u wareegaan dugsiyada uu maamulo kamuunka Göteborg oo sheegay inay boosas ardaydaa u diyaarinayaan si ay Isniinta soo socotaba iskuullo cusub u bilaabaan, sida uu sheegayo Axel Darvik.

Hadalsame Media