DAAWO: Jaamacadda Azhar oo ka digtey “diin cusub” oo qorsheheeda la wado (Dowlad ka jirta dal Muslim ah oo ku lug leh)

0

(Hadalsame) 11 Nof 2021 – Laba maalmood ka hor, khudbad uu Imaamka Al-Azhar Al-Shariif, Imaam Axmed Al-Tayib uu jeediyey wuxuu kaga hadlay ‘Diinta cusub ee Ibraahimiyada’ wuxuuna ku qaaday weerar cad isaga oo ku tilmaamay “Riyo aan rumoobeyn”, isaga oo sheegay in lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo khilaaf soo jiitamayey in ka badan hal sano iyada oo la adeegsanayo isgaarsiinta casriga ah. Haddaba waa maxay sheekadu?

Maxay tahay Diinta cusub ee Ibraahiimiyada?

Ilaa iyo hadda si rasmi looma shaacin ama looguma dhawaaqin diintan cusub ee loogu magac daray ‘Diinta Ibraahimiyada’, mana laha wax aasaas ah iyo dad aaminsan toona.

Balse, waa mashruuc in muddo ah hadal heyntiisu ay socotay, taasoo lagu sheegay iney tahay diin lagu mideeynayo ama laga soo min guuriyey caqiidooyinka ugu muhiimsan ee seddexda diimood ee Muslimka, Kirishtanka iyo Yahuudda loona bixiyey diinta Ibraahimiyada iyada oo loo nisbeynaya Nabi Ibraahim (CS).

Hadafka mashruucan laga leeyahay ayaa wuxuu yahay “in ahmiyad gaar ah la siiyo xirirka diimaha iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo isku dhac keenaya ama bulshooyinkana isku dhac ka dhex abuuraya”.

Ujeeddada la sheegay iney diintan cusub ka dambeysa waxaa lagu sheegay iney tahay in “Bulshooyinka iyo waddamada dhexdooda nabad laga dhex abuuro si khilaafka meesha looga saaro.”

Halkan kasii akhri….

Isha: BBC

Hadalsame Media