BARIGA DHEXE: Min dib-qalloocyo, daadad, dhir gubanaysa ilaa dhul-gariir & dhagxaan baraf ah oo cirka kasoo dhacaya (Daawo inta dal ee dhibku ku dhacay)

0

(Hadalsame) 17 Nof 2021 – Gobolka siyaasad ahaanta loogu yeero Bariga Dhexe ayaa waxaa ka taagan arrimo wada ah musiibooyin dabiici ah oo mar qura ka wada dhacay dhowr dal min Lubnaan, Iiraan, Imaaraadka, Masar ilaa Sucuudiga.

Dalka Lubnaan ayaa ilaa Axaddii gubanayey gaar ahaan dhanka koonfurta, isagoo xitaa soo gaarey Jdeideh, oo woqooyiga uga beegan Bayruut, iyadoo ay meelo dabka aad uga fog uu dambas cirka uga soo dhacayey. Dhimasho iyo dhaawacba waa jiraan.

Iiraan, waxaa ku dhuftay dhul-gariir uu cabbirkiisu gaarayo 6.4 ilaa 6.4, kaasoo ku dhuftay meel u dhow Bandar Cabbaas, kaasoo ruxankiisa laga dareemayey min Imaaraadka ilaa Sucuudiga.

TV-ga dowladda ayaa sheegay inay dad ku dhinteen, waxaana ka mid ahaa wiil 22-jir ahaa oo uu ku dhul dhacay baalle koronto. Waxaa la arkayey muuqaalka gaadiid waawayn oo jidka taagan oo ruxmaya.

Masar, magaalada Aswaan ee koonfurta dalkaasi ayaa waxaa weerar kusoo qaaday daba qaroofyo ama dib-qalloocyo kumannaan ah, iyadoo lasoo sheegay dhimashada hal qof iyo 400 dad ka badan oo ay qaniineen oo qaarkood isbitaallada la dhigay.

Daba qaroofyada ayaa la sheegay inay jidadka iyo guryaha kusoo qamaameen kaddib markii ay godadkooda uga jiri kari waayeen kulaylka aad u kordhaya. Waxaa sidoo kale cirka kasoo daadanayey baraf xooggan oo dhagxaan ah.

Barasaabka Aswaan, Ashraf Attia, ayaa xitaa safarradii yareeyey maadaama aan si qaab leh wax loogu jeedin cimilada xun darteed. Iskuullada ayaa la xirey.

Sucuudiga, magaalada dhacda Badda Cas ee Jidda ayaa waxaa ku dhuftay daadad laxaad leh, iyadoo baraha bulshada lagu faafiyey muuqaallada biyo ku fatahay jidadkii magaalada.

Sucuudiyiinta ayaa faafinayey hashtag la yiraahdo #جده_الان (Jidda hadda) oo ay ku wadaagayeen muuqaallada biyaha ku fatahay iyo xaaladda jawi ee adag.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media