Dal gebi ahaanba mamnuucay in lasoo geliyo mooto Bajaajta (Arrin ay ogaadeen?)

0

(Qaahira) 11 Nof 2021 – Dowladda Masar ayaa si rasmi ah u mamnuucday soo iibsiga Mootada Tuk Tuk ama Bajaajta, taasoo haatan kaddib aan dalkaasi la soo gelin karin iyada iyo qalabkeedaba.

Taasi ayaa soo geba gebeynaysa 16 sanadood oo Masar ay gaadiid ahaan u isticmaalayeen Mootadan saddexda lugood leh.

waxaa tirakoob ay Dowladda Masar sameysay ay ku ogaatay in tirada Mootada Dhug dhugleyda ee haatan gudaha dalka laga isticmaalo ay gaarayaan 2.9 Milyan oo Mooto Tuk Tuk ah.

Waxaase ka sii daran markii ay dowladdu ogaatay in Mootooyinkaasi 10% oo kaliya ay haystaan shatiga ama Leysinka Sharciga ah ee dowladda.

Waxaa Qoray: Yaxya Yuusuf

Hadalsame Media