“Summadda 8/17 ee ku dheggan gantaalaha Turkigu sameeyo waxay u taagan tahay aayad Qur’aan ah!” – Waa tee?!

0

(Hadalsame) 11 Nof 2021 – Gantaallada uu Turkigu sameeyo ee ku xiran dayuuradihiisa kala geddisan oo uu ku jiro daroonka is wada ayaa sita summad tiro ah oo u dhigan 8/17.

Calaamaddan ayaa la sheegayaa inay Cusmaaniyiintu adeegsan jireen 700 oo sanadood kahor ah, waxaana ka dambaysa xikmad wayn.

Sabab? 8/17 waa tirsiga aayad ku jirta Suuradda Anfaal ee Qur’aanka Kariimka, taasoo la hadlaysa Muslimiinta xilliga Jihaadka.

Waxayna sheegaysaa in uu Ilaahay toogtooda toosinayo marka wax gamaan si ay cadowga uga guulaystaan.

Waxaa arrintan sanado kahor kashifay nin la yiraahdo ee Imran Ahmed, balse way isa soo taraysaa haatan.

Hadalsame Media