“Gujisyadeennu waxay Shiinaha agtiisa ka noqon doonaan sidii “findhicil!” – RW hore ee Australia (Istaraatijiyadda ka dambaysa gujisyadan?)

0

(Hadalsame) 11 Nof 2021 – RW hore ee Australia, Paul Keating, ayaa aad u weeraray go’aanka RW iminka ee Scott Marrison ee lagusoo iibinayo gujisyada nukliyeerka ku shaqeeya.

Keating ayaa ku doodaya in si kastaba ay gujisyadaasi Shiinaha agtiisa “findhicil” ka noqon doonaan dhanka awooddiisa badeed, marka ay diyaar noqdaan 2040.

Wuxuu sidoo kale saluugey go’aanka heshiis ku kacaya 48 bilyan oo gini looga baxay Faransiiska oo gujisyo naafto ku shaqeeya diyaarin lahaa, iyagoo taa biddaalkeeda qandaraaskii lagu wareejiyey Maraykanka iyo UK.

“Marka aannu 8 gujis helno muddo 8 sanadood ah oo aanu Shiine ku wajahno, waa sida baakad findhicil ah oo buur lagu tuuryeeyey.” Ayuu Keating ku dooday.

Wuxuu sheegay in gujisyadan la doonayo inay Shiinaha ka celiyaan biyaha moolka ah ee xeebaha Shiinaha si aanay Maraykanka duqayn rogaal celis ah ugu qaadin haddii lasoo weeraro, balse ay taasi kaliya xumaysay xiriirkii Shiinaha iyo Australia oo haatan loo tixgelin doono halis istraatiji ah.

Hadalsame Media