Hal arrin oo ay muhim tahay inay Soomaalidu fahmaan si ay CAALAMIYAN ugu tartamaan!

0

(Hadalsame) 08 Nof 2021 – Tartanka adduunku asxaabey waa caqliga ee cududda ma aha! Dagaalkii labaad ee adduunka Jarmalka iyo Japaanka oo laga adkaaday, ciidan iyo cudud ayaa la dul dhigay. Ciidan dambe iyo hub sare iney sameeyaan ayaa loo diidey.

Dhib ma leh, dhanka dhaqaalaha iyo sancada ayey xoogga saareen, kuwii cududda u sheegtayna waa dhaafeen! Korea china iyo japaan ayaa gumaystey, dagaallo dibadda iyo kuwo sokeeye ayaa aafeeyey, heer gabdhohooda addoonsi loo qabsado.

Dhib ma leh, 1964 ayey boorka iska jafeen, dagaalkii waqooyi iyo koonfur koreana meel bey dhigeen. Koonfurtu sancada iyo dhaqaalaha ayey u jeensatey. Dakhliga muwaadinku sannadkii $190 ayuu ahaa.

40 sano oo caqliga la tuujiyey ka dib dakhliga muwaadinku wuxuu gaarey $50,000. 7 dal adduunka ugu hodonsan ayey ka mid noqotay. China shuuciyad adag baa qabsatay, saboolnimo iyo abaaro ayaa baabi’iyey, 10-40 milyan ayaa le’day1959-1961, adduunka xiriir ganacsi ama diplomasi lama lahayn.

40 sano gudohood ayey go’aansatay iney tartanka gasho, ganacsiga adduunka ugu ballaaran, maal gashiga iyo dhoofinta ayey furtay, dhaqaalaha 2aad ee adduunka ayey noqotay, sannad walba 50 milyan ayaa saboolnimada laga saaray.

Hal qiyaas dhugo: 1978 wexey dhoofineysey $ 10 bilyan. Ama ka yar 1% ganacsiga adduunka. 1985 wexey noqotay $25 bilyan. Labaatan sano ka yarna wexey garaacday $4.3 trilyan, iyo ganacsiga adduunka ugu weyn! Caqligu ha shaqeeyo. (لقوم يعقلون).

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media