Maraykanka oo dal Muslim ah oo olog la ah ku adkeeyey daroonno dagaal oo uu ka dalbaday! + Sababta

0

(Hadalsame) 08 Nof 2021 – Dalka Qadar ayaa ka caraysan tillaabo uu qaaday Maamulka Joe Biden oo weli si saaxi ah uga jawaabi la’ codsi ay u dirtay sanadkii tegey oo ku saabsan in laga iibiyo daroonka dagaalka ee Maraykanka, sida uu qorayo Wall Street Journal oo soo xiganaya saraakiil Qadari ah.

Dowladda oo dhowaan Maraykanka ka caawisay inay kumannaan Afghani ah kasoo daadgureeyaan dalkaasi markii ay ka bexeen ayaa muddo dheer olog la ahayn Maraykanka, iyadoo 2020 codsatay in laga iibiyo 4 daroon oo ah nooca halista ah MQ-9B Predator.

“Waxaannu ka caraysan nahay in aanu jirin war oo looga jawaabayo codsigeenna.” ayuu sarkaalkani ku yiri WSJ.

Qadar ayaa sidoo kale kasii caraysan in Wasaarad Dibadeedka Maraykanku ay rukhsad ogolaansho ah siisay dalal kale oo gobolka ah suda Imaaraadka Carabta, balse kamay hadal sababta caga jiidaysa daroonnada Qadar u dalban oo ku kacaya $600milyan oo doollar.

Waloow ay Washington xiriir fiican la leedahay Dooxa misna waxay il gaar ah ugu hayaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Ikhwaanka, Xamaas iyo MW Turkish-ka ee Recep Tayyip Erdogan.

Hadalsame Media