ISBARBARDHIG: Hal arrin oo aad muhim u ah oo ay ku kala duwan yihiin magaalooyinka Muqdisho & Hargaysa + Sawirro

0

(Hadalsame) 08 Nof 2021 – Hargeysa iyo Muqdisho kala ayaan fiican. Mid waxa ay haystaa Mayor ay iyadu dooratay, u shaqeeya, yaqaan waxa laga rabo.

Muqdisho warqad wiifto ah ayaa si siyaasadeysan loogu soo magacaabaa, ma yaqaan shaqada laga rabo, laakiin kaliya in uu raali galiyo mashiinkii daabacay warqad lagu xulay.
Shalay, ma aqaan qofka joogay Garoonka Aaden Cade, kala bar magaalada ku dhawaad 12 saac ayey xirneeed, wadada Dekedda horteeda waxaan ku arkay hooyooyin xambaarsan carruur laga yaabo in ay cisbitaal u wadeen oo lugeynaya.

Reer Muqdisho waa dul qaateen laakiin hadda kaddib waa in laga fiirsado cidda mas’uuliyadda adeegga bulsho loo dhibaayo, ka bilow Madaxweyne ilaa iyo darajada ugu hooseysa.

Nin Proof ku jira uu ka soo galo albaabka gurigiisa, uga daga diyaaradda hoosteeda ma oga qoraxda iyo dhibta shacabka caadiga ah, ama waa axmaq, manexe ah oo aan dan ka lahayn.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media