DAAWO: “Waxaan ahayn 3,000!” – Ciidamada Komaandooska Somalia oo ka qaybgalay layli caalami ah

0

(Ankara) 07 Nof 2021 – Dalka Turkiga ayaa tababarro heer sare ah siiya ciidanka Qalabka Sida ee Somalia, oo iskugu jira millateri iyo booliisba. Daawo..

Muuqaal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu soo bandhigay Komaandooska Somalia oo tababar la samaynaya dalalka Turkiga iyo Azerbaijan.

“Komaandooskeennu wuxuu fuulay Buurta Davraz ee Isparta/Egirdir si ay u maamuusaan shuhadadeennii,” ayaa lagu bilaabay qoraalka WG.

“Ilaa 3,000 oo askari, oo ay ku jiraan ciidamo loo tababarayo Azerbaijan iyo Somalia, ayaa fuulitaanka ka qayb qaatay. Waxaannu shuhadadeenna ku xusnaa naxariis, abaal iyo xushmad.” Ayay raaciyeen qoraalka.

 

Hadalsame Media