RW Ciraaq oo ka badbaadey isku dayga khaarajin nooc cusub ah & cidda ay is hayaan + Sababta?!

0

(Baqdaad) 07 Nof 2021 – RW Ciraaq ee Mustafa al-Kadhimi ayaa ka badbaadey isku day khaarajin ahaa kaddib markii hoygiisa lagu soo weeraray daroon ay qaraxyo ku raran yihiin.

7 ka mid ah ciidankiisa amaanka ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen weeraeka oo ka dhacay aagga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Mandiqadda Cagaaran oo ay sidoo kale deggan yihiin hay’aadka Dowladda iyo Safaaraduhu.

“Gantaal khiyaano ihi in yar xitaa ma ruxi karo heellanaanta iyo daacadnimada Ciidanka Ammaanka. Waan fiicnahay aniguna Alle ayaa mahad leh.” Ayuu Twitter kusoo qoray RW.

Daroonka ayaa loosoo diray dhanka guriga RW waxaana markii uu qarxey xigey rasaas la furay.

Ma cadda cidda ka dambaysa welina wax mas’uuliyad ah lama sheeganin, yeelkeede, waxay Kaadimi is hayaan malliishiyada Shiico Iiraan ku xiran oo muddo bil ah deggan bannaanka Green Zone-ka kaddib markii ay qawadeen doorashadii baarlamaaniga ahayd ee ugu dambaysey oo ay si xun ugu jabeen.

Hadalsame Media