Turkiga oo tijaabiyey gantaal u dhigma midka Ruushku sameeyo ee S-400 (Daawo)

0

(Ankara) 07 Nof 2021 – Turkiga ayaa shalay ku guulaystey tijaabada gantaal daafaca cirka ah oo ay iyagu sanceeyeen, kaasoo lagu magacaabo Siper.

Gantaalkan ayaa mari doona tijaabooyin cireedyo kale kahor inta aanu toos uga mid noqonin hubka ciidanka cirka dalkaasi 2023-ka, sida uu sheegay Madaxa Wershadaha Agabka Ciidanka, Ismaaciil Demiir.

Wuxuu intaa raaciyey in Turkigu uu yeelan doono ilaa 6 nooc oo cusub oo ah hubka daafaca cirka oo ay iyagu sameeyeen.

Mashruuca Siper waxaa gacanta ku haya shirkadaha Turkiga ah ee ASELSAN, ROKETSAN iyo Golahq Daraasaadka Tiknolojiyadda Turkey.

Marka la yimaado Siper, oo doonaya inuu la tartamo midka Ruush-sameega ah ee S-400, waxay Turkigu ilaa haatan haystaan Korkut, Sungur iyo Hisar oo wada ah gantaalo cireedyo kala nooc iyo heer ah.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media