Dhadhaab-cireed usoo dil-dilloomaya dhanka dhulka & arrin uu Qur’aanku horay u sheegay oo ay NASA hadda baaris ku waddo!

0

(Hadalsame) 06 Nof 2021 – Dhadhaab-cireed ballaaran oo uu dhererkiisu gaarayo 330 mitir ayaa usoo jihaysan dhanka dhulka horraanta bisha Diseembar ee soo aaddan, sida ay sheegtay qaybta NASA u qaabilsan raadinta dhagax-cireedyadan.

Magaciisu waa 4660 Nereus, ama 1982 DB, wuxuuna u qaab egyahay ukunta isagoo cabbir ahaan ka dheer taallada Paris ee Eiffel Tower ama 2 jeer ka wayn Taallada Dal-jirka Dahsoon.

Waxaa la sheegay in waloow uu haatan kusoo fooggan yahay Dhulka uu misna marka dambe dhinac mari doono marka la gaaro 11-ka Diseembar, isagoo noo jiri doona masaafo dhan 3.9 milyan oo KM, kuna dhaqaaqaya xawaare dhan 6.578 km/ilbiriqsigii.

Aan qiyaas fiican ku siinno. Masaafada ay isu jiraan Dhulka iyo Dayaxa oo ah meeraha noogu dhow waa qiyaastii 385,000 km, sidaa darteed, waloow uu yahay dhagxaanta halista ku haya Dhulka (PHA) misna haatan waa laga badbaadi karaa.

Asteroid illustrative (credit: Wikimedia Commons)Dhadaab-cireed la sawiray (credit: Wikimedia Commons)

Yeelkeede, saynisyahannada ayaa haatan ka fikiraya in sahmin lagu sameeyo dhadhaab-cireedyadan iyadoo ay 2000 ay NASA sheegtay in Nereus uu ka mid yahay walxaha dhulka u dhow ee la baari karo.

Dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan & Imaaraadka oo doonaya inuu noqdo dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ee dhadhaab-cireed ku dul dega, ayaa sheegay inay ku howlan yihiin qorshahaas, iyadoo robot-ka NASA ee Near Earth Asteroid Rendezvous-Shoemaker (NEAR) iyo midka Japanese-ka ah ee Hayabusa qorshahaa loo dhisay, balse ay markii dambe howlo kale u weecdeen.

Dhagaxan ayaa la sheegayaa inuu soo laaban karo 12 jeer 10-ka sanadood ee soo aaddan, balse marka uu dhulka ugu soo dhowaan karo waa 14-ka Febraayo 2060-ka, haddii Alle idmo.

NASA iyo dalal kale ayaa waxaa ay dhagxaantan ka sheegayaan macaadin muhim ah sida cobalt, nickel, dahab iyo bir, iyadoo uu Qur’aanku si cad u sheegayo in birtu cirka ka timid, kahor intii aanu insaankuba ogaanin.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media