Kaniinigii ugu horreeyey ee lagula tacaali doono cudurka COVID-19 oo la meel mariyey (Dalka rukhsadda siiyey?)

0

(London) 06 Nof 2021 – Dalka UK ayaa noqday dalkii 1-aad ee fasaxa in la sameeyo kaniini fayrus la dirir ah oo wax ka tari doona cudurka COVID-19 kaasoo ay diyaarinayso shirkadda Merck and Ridgeback Biotherapeutics.

Hay’adda Nidaaminta Dawooyinka UK ee MHRA in dawada, molnupiravir, loo adeegsan karo in lagula tacaalo cudurka COVID-19 muddo 5 maalmood ah oo laga bilaabayo marka qofka laga helo cudurka.

Waa dawadii ugu horreeysey ee afka laga qaadanayo ee loogu tala galo COVID-19, taasoo ay ku sheegeen mid xoojinaysa hardanka lagula jiro cudurkan faafaha ah, iyadoo ay sidoo kale dhici karto in Maraykankana loo fasaxo, iyadoo ay hay’adaha ay khuseeysaa ka shirayaan isla bishan.

La dagaallanka cudurkan laayaha ah oo dunida ilaa haatan ka qaba in ka badna 5.2 milyan oo ruux, ayaa haatan inta badan waxaa lagula tacaalaa tallaal, isagoo haatan markale soo xoogaysanaya.

Hadalsame Media