Xeelad ku jirta qaabka ay haatan u socoto doorashada Somalia oo la kashifay!

0

(Hadalsame) 06 Nof 2021 – Marka laga soo tago cilladaheeda kale ee tirada badan, doorashada dalka ka socotaa waxay qaadan doontaa laba sano.

Haa waa laba sano, waa haddii aan gaabiska ay hadda ku socoto wax laga beddelin.

Weliba laba sano oo ka soo billaabata markii la doortay mudanihii u horreeyay. Kuma darayo muddadii ka horreysay ee heshiiskeeda uun loo xayirnaa.

Si aad isaga hubiso caddeynta, soo qaado qalin iyo waraaq, maaddaama aan geli doonno in yar oo xisaab ah.

Labada aqal ee Baarlamaanka isu geyn xubnahoodu waa 329. Mudanihii u horreeyay waxaa Kismaayo lagu doortay Khamiis, 29 July 2021.

Waxaa maanta laga joogaa 101 maalmood. Muddadaas waxa lagu doortay isu geyn 54 mudane. Waxaa harsan 275 hor leh.

Haddii sidaa gaabiska ah ay ku socoto, in la dhammaystiro doorashada xubnaha labada Aqal waxay qaadaneysaa 514 maalmood oo hadda naga dhimman. Waa sannad iyo toddoba bilood oo ku eg bisha May ee 2023.

101 maalmood oo ay hadda doorashadu “socotay”, laguna doortay 54 Mudane, iyo 514 maalmood oo haddii aan xawaaraha wax laga beddelin ay qaadan doonto in la doorto 275-ta Mudane ee Doorashadoodu ay harsan tahay, isu geyn waxay doorashadu soconeysaa 615 maalmood.

Waxay u dhigantaa 20 bilood.

Haddii lagu daro laba bilood oo lagu dooran doono Guddoonka labada Aqal iyo Madaxweyne, waxay doorashu soconeysaa 22 bilood oo u dhiganta laba sano oo laba bilood dhimman.

Yeey sidaan ugu badisaa? Ula kac miyaa ummadda loo khiyaamayaa? Mise waa mas’uuliyad darro iyo farsamo xumo dhanka madaxda ay gacanta ugu jirto doorashadu?

Mid ay tahayba, Soomaaliyeey sidaasi ma na qabataa?

Ujeeddadeydu ma aha dhaliil iyo niyad jebin. Ujeeddadeydu waa in jiitanka iyo gaabiska laga daayo doorashada, ayna mas’uuliyadda saran dareeman Madaxda ay doorashadu gacanta ugu jirto.

Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media