7 cunto oo hurdada u daran & sida ay u fiican tahay inaad xabbad moos ah cunto marka aad seexanayso

0

(Hadalsame) 02 Okt 2021 – Mooska waa faakiho ama khudrad macaan oo caafimaad badan laga helo, waxaa ka buuxo potassium iyo magnesium, waxaa kaloo ku jira vitamin B6 iyo vitamin C. Mooska waxaa ku badan maadooyinka sun saarista ee loo yaqaan “antioxidants” oo ka hortagga cudurka kansarka.

Moosku waxa uu wanaagsan yahay hurdada waxaa ku jira macdano iyo fitamiinno wanaajiya tayada hurdada. Moosku waxaa uu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas darteed qofka waxa uu ka ilaaliya inuu gaajo la soo tooso habeenkii.

Mooska waxaa ku jiro maadada sun-saarista oo xoogan, kuwaasoo kala ah “Dopamine” iyo “Catechins”, waxayna u fiican yihiin caafimaadka maskaxda iyo beerka.

Magnesium-ta, potassium-ta iyo vitamin B6-ka ku jiro mooska waxay qofka ka caawiyaan inuu hurdo fiican seexdo habeenkii.

Murqo xanuunku wuxuu ka mid yahay calaamadaha lagu garto potassium yarida wuxuuna ku badan yahay haweenka uurka leh. Potassium-tu waxay dejisaa murqo xanuunka taas oo ka qeyb qaadata in qofku uu helo hurdo wanaagsan.

Cunnada ay ku badan tahay magnesium sida mooska waxay hoos dhigaan heerka stress-ka iyo walwalka. Walwalku waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee keena hurdo la’aanta.

Macdanta magnesium waxay dejisaa maskaxda waxayna caawisaa hurdada.

Vitamin B6-ka ku jira mooska wuxuu ka gacan ka geystaa in jirku soo daayo hormoonka melatonin oo qaabilsan hurdada.

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada Fiber-ta taasoo calool istaagga ka hortagta, dheefshiidkana uroon. Wuxuu kaloo Moosku dejiyaa laab-jeexa.

Moosku waxa uu ka qeyb qaataa kontaroolista cadaadiska dhiigga.

Moosku waxa uu awood uleeyahay in uu yareeyo ama baabi’yo lalabada. Faa’idooyinka moosku aad ayaa ay u badan yihiin, waxa aanu ka mid yahay cunnooyinka ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in la isticmaalo iyo in si gaar ah carruurta loogu dadaalo.

Cunnooyinka hurdada u daran ee ay tahay in habeenkii aan lagu casheynin waxaa ka mid ah:

  • Pizza-da
  • Kafeega ama bunka
  • Macmacaanka sida xalwada
  • Cunnada basbaaska iyo filfisha leh.
  • Hilibka badan iyo cunnada dufanku ku badan yahay sida beegerrada
  • Shukulaatada
  • Cabbitaannada aashitada leh (Soda)

Isha: Daryeel Megazine

Hadalsame Media