DAAWO: Fannaan Soomaali ah oo xabsiga la dhigay iyo nooca dembiga lagu helay

0

(Stockholm) 02 Okt 2021 – Salah Abdi Abdulle, oo ka mid ah fanaaniinta ku luuqeeya heesaha rapp-ka ee ugu caansan Sweden oo magac masraxeedkiisu yahay Dree Low, ayaa lagu xukumay xabsi hal sano ah kaddib markii lagu helay dembi dhac ah, sida ay faafiyeen TV-yo uu ka mid yahay 4 iyo warbaahinta Sweden.

27-jirka Dree Low oo ay heesihiisu ka mid yihiin kuwa loogu dhegeysi badan yahay Sweden asal ahaanna Soomaali ah, ayaa lala xiriiriyey inuu ka mid yahay shabakad la yiraahdo Dhurwaayada Husby.

Waxaana la sheegay in bishii Agoosto ay isaga iyo 2 qof oo kale ay dhac u gaysteen dukaan ku yaalla Akalla. Waxaana la sheegay inay dheceen macmacaan, sigaar iyo tubaakada loo yaqaan snus-ka oo aan marka la isu geeyo qiime ahaan ka badnayn 5,000 oo karoon oo aan sidaa uga badnayn 50 doollar.

Bil kaddib ayaa deeto waxaa rapper-ka lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee Arlanda ee magaalada Stockholm.

Fannaanka ayaa ku dooday in milkiilaha dukaanku uu u fasaxay inay alaabooyinkaa qaataan, halka ay dadka dukaanka lihi ay dacwadda la noqdeen kaddib baaristii 1-aad.

Waxaa wax dembi ah lagu waayey wiil 16-jir ah kaddib markii la keeni waayey caddaymo ku filan, halka dembi lagu helay 2 kale oo kala jira 20 iyo 21 sanadood.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media