”Somalia ayuu xisbi ka furtay!” – Sababta loo xirey dugsiga Muslimiinta ee Römosseskolan oo wax laga qoray (Siyaasi lagu dheggan yahay)

0

(Hadalsame) 02 Nof 2021 – Nidaamka Sweden ayaa mudda sanao ahba iskoolka madaxa banaan ee Muslimiinta ee Römosseskolan oo ku yaalla magaalada Göteborg, waxaana laga faafiyey eedaymo ku saabsan in ay ardaydu u kala fadhiyaan qaab jinsi ah (lab & dheddig) waqtiyada salaadda oo ay sheegeen inay khasab tahay in la dukado iwm.

Labo qof oo ku xiran maamulka Römossekolorna ee Göteborg ayaa haatan dacwad lagu soo oogay. Eedayntu waxay ku saabsan tahay wax-is-daba-marin iyo xadgudub xisaabeed oo daran, iyadoo ay eedda ku jirto in ilaa 12 milyan oo karoon oo laga bixiyey khasnadda iskuulka loo qaaday Somalia.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay laanta kormeerka dugsiyadu (Skolinspektionen) ay go’aamisay in milkiilayaasha aan loo ogolayn in ay hadda kaddib dugsiyo ku yeeshaan Sweden, kaddib markii lagu eedeeyey musuq iwm.

”Afar ka mid ah shanta qof ee guddiga maamulka ayaan ku habboonayn inay sii wadaan hawlaha dugsiga Sweden,” ayuu yidhi Johan Kylenfelt, qareenka laanta kormeerka dugsiyada.

Dugsiga Muslimiinta ee Römosseskolan ayaa waxa la furay 1998-kii waxaana dhigta arday laga bilaabo da’da dugsiga barbaarinta ilaa dugsiga sare. Aasaasaha iyo maamulaha dugsiga oo muddo dheer maamule iyo madax ka ahaa dugsiga waa xildhibaankii hore ee Xisbiga Moderaterna, C/risaaq Waaberi, kaasoo ilaa xagaagan  si buuxda u maamulay dugsiga.

Waaberi oo uu maqaal dheer ka qoray Aftonbladet, ayaa lagu haystaa min aragtiyaha caadiga ah ee Islaamka sida in lakala fariisiyo wiilasha iyo gabdhaha, ilaa musuq iyo siyaasado uu ka wado Somalia. Halkan ka akhri…

Tusaale, Waaberi ayay sidoo kale sheegeen inuu ilaa 2017-kii hoggaamiye ka ahaa Xisbiga Midnimo Qaran, balse aan la ogayn sida loo maamulo kharashaadka ku baxa.

Hadalsame Media