”Isku daafaca hub kasta oo aad heli kartaan!” – RW Itoobiya oo diray qayladhaan muujinaysa inuusan xaalku fiicnayn

0

(Addis Ababa) 01 Nof 2021 – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa taageerayaashiisa ku booriyay inay adeegsadaan hub kasta oo ay heystaan si ay u joojiyaan horusocodka ay wadaan ciidammada fallaagada Tigreega.

Waxa uu baaqan ku qoray bogga uu ku leeyahay Facebook ka dib markii ay jabhadu sheegtay in ay guulo kale oo dhuleed ka gaadheen gobolka Axmaarada, iyaga oo ku sii dhawaanaya caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Abiy ayaa sheegay in ay waajib ku tahay muwaadiniinta in sida uu hadalka u dhigay ay xannibaan, baabi’iyaan oo ay aasaan ciidamada jabhadda TPLF.

Xilli uu intaasi sii raaciyey in ay ku caana maaleen ‘waardiyaynta dalkooda’.

“Mustaqbalka cadawgu wuxuu ururin doonaa ciidammadiisa hadhay wuxuuna qaadi doonaa weerarro kale,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ka digay “innaga oo og in isha dhibkeenna halka ay tahay, taas oo ah daciifnimadeenna iyo dayacayada, waa inaan feejignaannaa. Kala taggeennu waxa uu u habboon yahay cadowga. Haddii aan is-maqalno oo aan iska kaashanno, waxaa bilaabanaysa in awoodda cadowga ay burburto,” ayuu yidhi oo sii raaciyey hadalkiisa.

Afhayeen u hadlay kooxda TPLF (Getachew Reda) ayaa sheegay in ujeedadooda kaliya ay tahay in ay jabiyaan go’doominta Tigrayga. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in afar boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka ay ku nool yihiin xaalado macaluul u eg, sanad kaddib markii uu dagaalku billowday.

Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeysaneyey maalmihii ud anbeeyey.

Qoraal laga soo saaray Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa looga dalbaday TPLF inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

TPLF ayaa horay u sheegtay inay magaalooyinkaasi la wareegtay inkastoo dowladda ay beenisay.

Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya, ayaa sheegay iney qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dase, ee ka tirsan ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadley qawmiyadda Tigreega, ayaa lagu waramayaa inuu sheegay in ciidamadoodu ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Dase waxey Addis Ababa u jirtaa wax ka yar 240mayl, taas oo ka dhigan ku guulaysiga Dase, waxey noqon doontaa iney ku sii siqayaan koonfurta ugu fog ee gobolka Amxaarada.

Isha: BBC

Hadalsame Media