Carabtii Khaliijka ilaa Shaam oo laba qaybood u kala baxday & inta ay la egyihiin waxa ay isku hayaan!

0

(Hadalsame) 01 Nof 2021 – Kuwayt iyo Imaaraadka ayaa noqday dalalkii ugu dambeeyey ee Khaliijka dhaca ee Sucuudiga ku raaca weerar diblomaasi ah oo uu ku qaaday dalka Lubnaan, iyagoo sidaa ugu biiraya Sucuudiga & Baxrayn.

Sucuudiga ayaa Jimcihii cayriyey Danjirihii Lubnaan oo amar lagu siiyey inuu boorsadiisa ku qaato 48 saacadood gudohood, halka ay u yeerteen koodii Bayruud, Waleed Bukhari. Riyaad, ayaa sidoo kale mamnuucday dhamaanba badecooyinka Lubnaan ka iman jirey, taasoo qaaquullo dhaqaale oo hor leh sii gelinaysa dalkan oo ay awalba ku daba yarayd lacagta adagi.

Arrinta dhami waxay ka kacday hadal uu yiri Wasiirka Warfaafinta Lubnaan, George Kordahi, kaasoo Agoosto aad u dhaleeceeyey dagaalka uu Sucuudigu kabraalaha ka ahaa ee lagu qaaday dalka Yaman oo uu ku tilmaamay mid ”micne darro ah”, halka uu Xuutiriiyinta ku taageeray sida ay isu daafaceen.

“Waxaannu wajahaynaa xasarad ka dhalatay dagaalka ay dalal gobolka ihi ku qaadeen Yaman misna ay ku fashilmeen. Dalkii dagaalkaa ku jabay ayaa haatan doonaya inuu caradiisa kala dul dhaco Lubnaan oo ah dal dulmi diid ah,” ayuu Wasiirku ku yiri warqaadka Lubnaaniga ah ee Al-Ahed.

Haatan dalalka Kuwayt, Baxrayn iyo Imaaraadka ayaa Sucuudiga u hiilliyey halka Qadar & Cumaan ay dhexdhexaad noqdeen oo ay soo jeediyeen in la is xakameeyo, halka Xuutiyiinta Yaman oo Lubnaan u hiillinaya ay mamnuuceen badeecooyinka Sucuudiga.

Mohammad Abdulsalam, Afhayeenka Xuutiga, ayaa yiri: “Yaysan idin cabsi gelinin waxa uu taliska Sucuudigu samaynayo.”

Tan ayaa ka dhigan in nidaamyada Khaliijka oo ay xukumaan qoysas reer miyi ah oo aan lahayn aragti siyaasadeed oo aragti fogi hagayso ay maalinba dunidii Muslimka & Carabtii kaleba kala dul dhacayaan siyaasad ciyaal wirifism ku dhisan oo aan xitaa iyaga anfacaynin.

Waxaa arrintan ka horreeysey balse ay si iskugu egyihiin go’doomintii Qadar ee 2017-kii.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media