Waa kee Xildhibaanka kusoo baxay xubinta 1-aad ee Baarlamanka 11-aad ee DF Somalia

0

(Muqdisho) 01 Okt 2021 – RW Xigeenka DF Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee loo doorto Aqalka Hoose ee Golaha shacabka, gaar ahaan qaybta gobollada woqooyi ee dalka ama Somaliland.

Mahdi Guuleed oo noqonaya xubintii 1-aad ee Baarlamanka 11-aad ee dalka, ayaa la sheegayaa inuu 97 cod ka helay ergo dhamayd 101 qof.

Waxaa maanta la dooranayaa 2 kursi iyadoo ay doorashadu ku qabsoomayso Dugsiga Tababarka Booliiska Soomaaliyeed ee Iskuul Bulisiisiya oo ku yaalla Degmada Xamar Jajab ee Muqdisho.

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaargarowga iyo dadaallada lagu doonayo in lasii ambaqaado doorashada oo ku ragaaddey rabitaan la’aanta madaxtooyada oo hindistey muddo kororsi, muranno siyaasi ah oo ma dhalays ah oo ay mucaaradka qaarkood ku lug leeyihiin iwm.

.

.

Hadalsame Media