XAQIIJIN: Maxaa ka jira war sheegaya in MW Xigeenka Kenya uu soo jeediyey in la aqbalo go’aanka Maxkamadda ICJ?!!

0

(Nairobi) 30 Okt 2021 – Waxaa bartamihii bishan Twitter lagu faafiyey war la sheegay in laga soo xigtey MW Xigeenka Kenya ee William Ruto kaasoo lagu soo dhoweeyey go’aankii Maxkamadda ICJ oo ka gar naqday dhul-badeed gaaraya 38,000 oo mayl oo jibaaran (100,000 sq km).

“Waxaannu u mahad-celinaynaa ICJ oo ugu dambayn ka cadaalad fashay kiiska badeed ee Kenya vs Somalia. Waxaan Kenyaanka ku boorrinayaa inay xukunka aqbalaan nabadda iyo derisnimada dartood,” ayuu ahaa warka la sheegay in Ruto laga soo xigtey.

“MW Xigeenka Jamhuuriyadda Kenya, isaga oo ka duulaya carada uu u qabo Madaxwaynaha (Kenyatta), ayuu u mahad celiyey ICJ oo dhulkeenna u gacan-gelisey Somalia. Dadka noocan oo kale ah waa inaan abid loo ogolaanin inay dalka hoggaamiyaan.” ayuu u qornaa tweet-ku.

Yeelkeede, PesaCheck oo aalaaba turxaan bixisa wararka iyo tirakoobyada la sheego in laga soo xigtey dadka caanka ah ayaa arrintan u bandhigtay Xafiiska MW Xigeenka, balse Agaasimaha Warfaafinta ugu qaybsan ee Emmanuel Talam ayaa maanta warkan oo dhan ku sheegay “maalaayacni”.

PesaCheck ayaa sidoo kale kuurgalkeeda gaarka ah ku xaqiijisay in warkani yahay been abuur qallalan oo aanay waxba ka jirin.

Hadalsame Media