XOG MUHIM AH: Xog ay qarinayeen DF Somalia & Maamullada dalka oo dayax-gacmeed lagu soo saaray

0

(Muqdisho) 30 Okt 2021 – Cudurka COVID-19 oo dunida dhulka dhigay wixii ka dambeeyey dhamaadkii 2019-kii ayaa inta badan aan wax wacaal ah ama xitaa diiwaan ah laga haynin marka ay timaado dalalka faqriga ah ama aan lahayn kaabayaashii loo baahnaa sida Somalia oo kulansatay colaado iyo maamul xumo, xaalado aadminnimocudurro iyo barakac dadwayne.

Haddaba si loosoo saaro tirada iyo heerka waxyeellada cudurka ayay London School of Hygiene and Tropical Medicine, Machadka la Tacaalidda Musiibooyinka Somalia, iyo Satellite Applications Catapult, ayaa isla sameeyey daraasad ay ku fahmayaan saamaynta cudurka COVID-19 ee Somalia.

Lambarka rasmiga ah ee lasoo gudbiyey ayaan sidaa uga badnayn 1,100 oo dhimasho, balse warbaahinta iyo ururro aan dowli ahayn ayaa farta ku godey inay geeridu aad uga badan tahay inta la sheegay.

Balse ma sahlana in xogta loo helo qaab caadi ah haddaba sidee la yeelay? Waxaa la adeegsadey dayax-gacmeed ganacsi oo leh kaamarooyin aad u il dheer oo Maxar la yiraahdo, waxaana diiradda la saaray qubuuraha Banaadir oo ay deggan yihiin dad ka badan 2 milyan min Jannaayo 2017 ilaa Sebtembar 2020.

Waxaa sidoo kale la howlgeliyey dad maxalli ah oo fasiraad ka bixiya muuqaallada sawirrada uu qabto dayax-gacmeedku, iyadoo ay soo baxday in dadkii halkaa maalintii lagu aasi jirey wixii ka horreeyey 2019 ay celcelis ahaan maalintii ahaayeen 10 ilaa 12, balse wixii ka dambeeyey dhamaadkii 2019 ay tiradu maalintii ka badnayd 20 qofood.

Waxaa soo baxday tiro aad uga badnayd middii rasmiyan loo baahinayey, tusaale, Oktoobar 2020 waxay tirada rasmiga ihi ahayd 3,864 kiis iyo 99 dhimasho, balse markii la qiimeeyey muuqaalladii dayax-gacmeedka waxay geeridu u dhaxaysey 3,200 ilaa 11,800 Banaadir oo qura, taasoo ka dhigan in tan dalkuna ay kasii badan tahay.

Darawalladii gawaarida janaasada

Waxaa dadka la xog waraysanayey ka mid ahaa dad kala duwan min howlwadeennada caafimaadka, god-qoddada, culimada diinta ilaa darawallada gawaarida maydka lagu qaadayey.

Waxaana ay dadkaasi bixinayeen xogo la isku hallayn karo oo lagu kabayey waxa ay arkayeen bikaacyada meesha fog kasoo sawiraya waxa ka socdey hareeraha qubuuraha Muqdisho, iyadoo eedda qayb ahaan la saaray dadka oo aan raacin tilmaamihii handaraabka balse iska tegayey goobaha bulshada, masaajidda, makhaayadaha, dukaamada iwm.

Hay’adihii tirakoobkan isla sameeyey ayaa sheegay in qaab-raacan loo adeegsan karo dalal ay ku jiraan South Sudan iyo Ethiopia, oo ay laftooda adag tahay in la helo xogta dhabta ah colaado iyo dhibaatooyin kale dartood.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media