DAAWO: Soomaalida laga raafayo magaalo ku taalla Zambia oo meel la iskugu geeyey (DF Somalia oo walaac ka muujisay)

0

(Ndola) 30 Okt 2021 – Dad Soomaali ah oo ku dhaqan magaalada Ndola ee Gobolka Copperbelt ee dalkaasi Zambia ayaa laga soo ururinayaa meelaha ay magaalada ka deggan yihiin.

Dadka ayaa marka ay Booliiska oo aan u eegayn sharci iyo sharci darro soo raafaan waxaa deeto la gaynayaa meel garoon ah oo loogu tala galay in kubadda lagu ciyaaro.

Lama garanayo sababta arrintan dhalisay iyadoo la xaqiijiyey in Soomaalida si gaar ah loo beegsanayo, iyadoo uu tixraacu yahay inuu qofku Soomaali yahay, waxaana muuqaal aannu helnay laga arki karaa dadka oo ay qaarkood sheegeen in la jirdiley.

Wasaarad Dibadeedka DF Somalia ayaa walaac ka muujisay arrintan iyadoo ballan qaadday inay hay’aadka ay khuseeyso ee Zambia kala hadli doonto sababta loo beegsanayo dadka Soomaaliyeed, waloow aanu jirin xafiis diblomaasiyadeed oo ay Zambia ku leedahay gudaha Somalia.

Lama yaqaan se doorka Safaaradda Somalia ee Zambia, waloow inta badan aysan sidaa u firfircoonayn Safaaradaha Somalia oo ay sidoo kale la degeen miisaaniyad xumo iyo musuq isla socda.

Hadalsame Media

Facebook Comments