”Kenya ma aha inay Somalia oo qura u xoog waynaato!” – Qoraa Kenyan ah oo soo bandhigay dalal gobolka ah oo ay Kenya ka weji dadbato

0

(Nairobi) 26 Okt 2021 – Maqaal lagu qoray The Star ayaa lagu faalleeyey in Kenya ay u baahan tahay inay si adag ula macaamisho dalalka deriska la ah ee ay dhulalka ku muransan yihiin oo idil, balse aanay is waalin oo qura marka ay Somalia is hayaan.

Maqaalka oo uu qoray The Star ayaa lagu xusay sida ay Kenya il daaf leh ugu eegtay arrinta jasiiradda Migingo oo ku dhex taalla Harada Lake Victoria oo ay har cad Kenya ka xoogtey Uganda oo ku tiirsan ciidankeeda, iyadoo aysan Kenya xitaa xero ciidan ku lahayn gobolka Nyanza guud ahaan, tiiyoo ay jirto inuu deris la yahay Tanzania iyo Uganda.

”MW Kenyatta & jeneraallada millateriga Kenya waa inay xoogga ay u muujinayaan Somalia ay sidoo kale ku wajahaan dhamaan xadadka Kenya ee ay ciidan qalaad kusoo xadgudbeen,” ayaa lagu yiri qoraalka oo uu sameeyey Collins Ajuok oo sheegay in aan kaliya lagu adadkaan hal dal ”maxaa yeelay waa Somalia uun.”

Wuxuu qoraagu ku doodayaa in inta aan Somalia loo jihaysan sidoo kale wax laga qabto  Kerio Valley ama Laikipia, oo ay malliishiyaad iyo ciidamo shisheeye iska soo gelayaan, halka meesha Somalia lagu haysto uu shidaal ku jiro.

”Ma aha inaan deriska ku qabsanno oo qura meeshii khayraad ku jiro, balse waa in la difaacaa khariidadda Kenya xitaa haddii aysan khayraad lahayn.” ayuu soo jeediyey Ajuok oo xusay in dhamaan dalalka derisku ay sidii ay doonaan ka yeelaan xadka ay la leeyihiin Kenya.

Wuxuu sheegay inay Kenya ula dhaqmi karto Somalia ”sida dal fashilmay” oo aan lahayn ciidan millateri oo ”iska kaaya dhicin kara”, balse misna loo baahan yahay in Kenya ay muujiso inay tahay cududda 2-aad ee gobolka kaddib Itoobiya, sida uu ku doodayo.

Si kastaba, Somalia ayaa u baahan inay la timaado wax ka duwan siyaasadda ay haatan ku socoto oo aysan ka muuqanin wax aragti iyo karti ah oo lagu dhaqi karo dal dumey oo dib u dhis u baahan.

Hadalsame Media