”Museveni dhib uu Uganda ku hayey ayuu Somalia u safriyey!” – Mucaaradka Uganda oo tooshka ku shiday dhacdo halis ah!

0

(Hadalsame) 26 Okt 2021 – Mucaaradka Uganda ayaa tooshka ku shiday xasuuq ay dhowaan Somalia ka sameeyeen ciidanka Uganda oo dad rayid ah ku laayey meel u dhow Golwayn.

”Kali taliye Museveni wuxuu ciidankiisa ku amaanay inay laayeen rayidka Uganda, isla ciidankaas ayaa haatan laayey rayidka Somalia iyagoo ka tirsan AMISOM.” ayay kusoo qoreen bog aad u dhaliila Mueveni oo la yiraahod NRM Bosiko.

Waxay xuseen in ciidamad aUPDF ee Uganda ay had iyo jeeraale ilaaliyaan danaha Jen Museveni oo qura, oo ay bishii Agoosto Somalia ku laayeen 7 qofood oo rayid ah, sida ay heleen guddiga ay u saareen AMISOM (AMISOM Board of Inquiry (BoI) oo Jimcihii warbixin soo saaray.

Waxay intaa raaciyeen in dilka Somalia ka dhacay uu muujinayo isla dhibka maxalli ahaan ka jira Uganda oo ay sheegeen in ay qori caaraddii uga taliyaan Museveni iyo baandadiisu, sida ay u dhigeen.

”Shilka Somalia wuxuu caddaynayaa in aynaan iska ooyin oo uu dhib nagu haysto gudaha Uganda, marka waxaa la gaarey xilligii ay Museveni soo dacwayn lahayd Maxkamadda ICC.” ayay raaciyeen.

Hadalsame Media