Boqoradda Ingiriiska oo haysata dheeman raf ah midka ugu wayn adduunka (Dal Afrikaan ah oo laga soo bililiqaystay)

0

(London) 26 Okt 2021 – Boqoradda Britain ee Queen Elizabeth II ayaa la sheegayaa inay leedahay dheemanka rafka ah ee abid la helo uguna ballaaran adduunka.

Dheemankan oo loogu yeero Cullinan Diamond ama ‘The Great Star of Africa’ ayuu cufkiisu yahay 530 carat ama 621.35 oo garaam.

Dhagaxan qaaliga ah ayaa laga soo qoday dalka South Africa 1905-tii, waxaana qiimihiisa lagu qiyaasaa inuu ka badan yahay $400 oo milyan oo doollar, iyadoo ay xiise u muujiyeen dad fara badan, balse boqortooyada ayaa diiddey inay iibiso dhagaxan laga soo qaatay dalkaas Afrikaanka ah oo aan xilligaa wax cod ah ku lahayn khayraadka dalkooda.

Hadalsame Media