Dowladda Kenya oo Somaliland ku tilmaantay ”jamhuuriyad” iyadoo ka saxiixatay arrin muhim ah oo ay iyada uun dani ugu jirto

0

(Nairobi) 26 Okt 2021 – Wefdi ka socda Somaliland ayaa mar kale la kulmay Wasiirka Beeraha, Xoolaha Nool iyo Kalluumaysiga Kenya, Peter Munya.

Wefdigan oo uu hoggaaminayey Wasiir Dibadeedka ”Jamhuuriyadda Somaliland” sida lagu qoray Twitter-ka Wasiirka Kenya, ayaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wanaajinta xiriirka labada dal.

”Waxaa ka mid ah khadadka ganacsi ee Jaadka Miiroowga, Xoolaha Nool iyo waxyaabaha kasoo baxa beeraha.” ayuu yiri Peter Munya.

Ganacsigan ayaa gebi ahaanba u dan ah Kenya waayo marka laga soo tago in Somaliland ”jamhuuriyad” afka baarkiisa ah lagu sheegay ma jiraan wax kale oo ay shirkan kala tegeyso.

Tusaale, Kenya xoolo nool oo la taaban karo kama qaadanayso dal kale oo Afrikaan ah, halka waxa beeraha kasoo baxa oo uu Jaadku ku jiro ay u dhoofinayso dhanka Somaliland taasoo la mid ah nusqaan ganacsi oo cusub oo uu dal kale ku qaadanayo lacag adag oo aan bidaal lahayn.

Sidoo kale, Wasaaraddani waxay sidoo kale qaabilsan tahay kalluumaysiga balse qoraalka marna laguma sheegin in kalluun laga iibsanayo Somaliland oo kalluunka dhoofin karta.

Dhowr mar ayay aqoonyahanka iyo saxaafadda Kenya waxay qortay sida ay ugu fikirayaan inay Soomaalida iska soo horjeedda ka faa’iidaystaan si ay u xasiliyaan danohooda qaran, amaba meeshaba uga saaraan Soomaali dowlad ah oo xor ah, taasoo haatan si wanaagsan ugu socota.

Hadalsame Media