QM oo ka hadashay qorsheheeda siyaasadeed ee Somalia (Heshiiskii madaxda DF & doorashada Puntland oo….)

0
James Swan, the new UN Secretary-General's Special Representative for Somalia, inspects a parade mounted by the United Nations Guard Unit upon arrival at Aden Abdulle International Airport, Mogadishu, Somalia, on 25 June 2019. UN Photo / Ilyas Ahmed

(Muqdisho) 26 Okt 2021 – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa khudbad uu maanta jeediyey uga hadlay guud ahaan qorshaha QM ee Somalia, isagoo taabtay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

”Axaddii ina dhaaftay waxay ahayd maalinta Qaramada Midoobay, sannad-guurada maalintaas oo ahayd 1945-kii, markii uu dhaqan galay cahdiga Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay waxaa loo abuuray inay noqoto rajada duni ka soo baxaysa colaad. Hadda, 76 sano kaddib, waxay sii waddaa u adeegida dadyowga adduunka,” ayuu ku bilaabay Swan.

Wuxuu sheegay in caqabadaha loo abuuray in wax laga qabto aysan weli is beddelin, nasiib darro. Isku dhac, faqri, gaajo, isla markaa caqabado cusub ayaa soo kordhay sida COVID 19 iyo isbeddelka cimilada, haddii xuso laba tusaale, isagoo xusay inay Somalia joogaan 20 Hay’adood, Sanduuqyo iyo Barnaamijyo, kuwaas oo Soomaaliya jooga, sida UNICEF, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, Haweenka QM, iyo qaar kale oo badan.

”Halkan Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxa ay ahayd saaxiibka joogtada ah ee dalka tan iyo markii uu xornimada qaatay, oo soo jirtay dhowr toban-sanaale, waxaana rajeyneynaa in iskaashiga Soomaaliya uu ka sii socdo dhinacyo badan mustaqbalka,” ayuu yiri.

”Dhinaca siyaasadda, waxaa na dhiirigelinaysa in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku dhawaaqaan heshiis lagu xallinayo khilaafaadkii bishii hore soo kala dhex galay, waxaana rajeyneynaa in diiraddu ay dib ugu laabato halka loogu baahida badan yahay hadda – geeddi-socodka doorashada dalka,” ayuu daba dhigay.

Wuxuu sidoo kale soo dhoweeyey doorashada Aqalka Sare oo haatan gabagabo ku dhow, wuxuuna madaxda Soomaaliya ka codsaday inay si deg deg ah ugu soo jeestaan wejiga xiga ee doorashada kuraasta Golaha Shacabka (Aqalka Hoose), isagoo soo dhoweeyey in la helo ugu yaraan qoondada haweenka ee 30% ee Baarlamaanka, iyadoo aannu sidoo kale xusayn in ku dhawaad 26% kuraasta Aqalka Sare ay buuxiyeen haweenku ilaa hadda.

”Waxaa ka mid ah ka qaybgalka joogtada ah ee kooxda hirgelinta doorashada federaalka ah, kooxaha hirgelinta doorashada Maamul-goboleedyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maamullada xubnaha ka ah federaalka iyo deeq bixiyeyaasha. Waxa kale oo aan rabaa in aan xuso arrimaha doorashooyinka, doorashadii deegaanka ee ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan Puntland shalay.” ayuu yiri Swan oo sheegay inay shalay Qaramada Midoobay ay magaalada Qardho u dirsatay koox si ay u muujiyaan garab-istaagga shacabka Puntland.

”Waxa aanu ku rajo weynahay in haddii hawshan la muujiyey lagu guulaysto, in ay nasiin karto qaab doorasho mustaqbalka ah oo ku salaysan hal qof iyo hal cod in lagu qabto maamullada xubnaha ka ah federaalka iyo in mustaqbalka, doorasho heerar qaran laga qabto halkan Soomaaliya.” ayuu yiri.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayuu sheegay inay sii wadayso taageerada ay siiso Soomaaliya dhanka baahiyaha horumarineed. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah dhanka maamulka biyaha, la dagaalanka musuqmaasuqa ee aannu la yeelanay maamullada Soomaaliya, dedaallada lagu taageerayo maamullida deegaanka, inaan safka hore kaga jirno adeeg bixinta iyo qaar kale oo badan.

Hadalsame Media