RW Suudaan oo xabsi guri la geliyey & afgembi socda (Muxuu Maraykanku sameeyey kahor afgembigan?)

0

(Khartuum) 25 Okt 2021 – Ciidamo millateri ah ayaa gaaf wareegaya caasimadda Suudaan ee Khartuum, iyadoo la fahamsan yahay inuu halkaa ka soconayo afgembi millateri, sida ay werinayaan wakaaladaha wararku.

Warbixinnada ayaa sheegaya in RW Abdallah Hamdok xabsi guri la geliyey. Wakaaladda AP ayaa sidoo kale qoraysa in ugu yaraan xabsi guriga ay iyana ku jiraan ilaa 4 sarkaal oo ka tirsanaa Dowladda Suudaan. Waxaa xiran buundooyinka magaalada iyo kuwa soo gala Khartuum.

Jared Szuba oo ka tirsan Al-Monitor ayaa xusay in afgembigani uu yimid kaddib markii uu ergayga gaarka ah ee Maraykanka ugu qaybsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, uu kulan la qaatay Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti” iyo Abdel Fattah Burhan.

Labada nin waxaa ku xigeenka iyo madaxa Gole isku dhaf ah oo Suudaan ka talinayey tan iyo 2019-kii, kaddib dhicitaankii kali taliye Cumar Xasan Al Bashiir.

Burhan ayaa noqday hoggaanka Suudaan, halka Hamdok uu noqday Raysal Wasaare.

Tillaabadan ayaa haddii ay hirgasho waxay Suudaan ka dhigaysaa dalkii 3-aad ee Carbeed ee isaga oo kali talis ka baxay misna uu afgembi ka dhaco kaddib Masar iyo Tuniisiya, halka aanu fadhiyin xaalka dalalka Suuriya & Libya oo ay sameeyeen kacdoonnadii Gugii Carbeed.

Hadalsame Media