Magaalo Yurub ku taalla oo sanad kasta lagu qabto munaasabad xoolo kumannaan ihi ay iskugu soo baxayaan jidadka ugu waawayn & ujeedka + Sawirro

0

(Madrid) 25 Okt 2021 – Mehrajaanka xoolaha ee Transhumance Festival ayaa shalay lagu qabtay jidadka Madrid, taasoo ah caado dhaqameed ay ka qaybgalaan kumannaan ari iyo ido ah oo xoolaha oo dureera la marsiiyo jidadka waawayn ee caasimadda.

Xoolaha oo ay la socdaan xoolo-raacyadii oo xiran dharka hiddaha & dhaqanka ayaa la marsiinayaa jidadka iyo faras-magaalaha caasimadda Spain, waxaana xitaa kasoo qayb gala dad caan ah, waxaana shalay tii la qabtay joogey jilaaga Spanish-ka ah ee Sergio Pazos.

Tan iyo 1994-kii ayaa mehrajaankan lagu qabanayey halkaasi iyadoo loo xiro jidadka magaalada oo ay sidoo kale usoo daawasho tagaan dadwaynaha magaaladu, waxaana ujeedku yahay in lagu wanaajiyo oo dhowro kala duwanaanta noolaha (biodiversity), dhaqanka, isla markaana lagula dagaallamo cimilada xumaanaysa.

Arrintan ayaa lagu soo qaataa warbaahinta caalamka oo iyana tagta mehrajaankan sanadlaha ah oo haatan soo noqday kaddib markii uu baaqday sanadihii ugu dambeeyey ee ay dunidu la tacaalaysey cudurka Covid-19.

Halkan ka daawo sawirro…

Hadalsame Media

 

Facebook Comments