Maraykanka oo kaabe muhim u ah dhaqaalaha ka hirgelinaya Maamul-goboleedka Hirshabeelle

0

(Jowhar) 25 Okt 2021 – Hay’adda Maraykanka ugu qaybsan kaalmada caalamiga ah ee USAID ayaa kaabe muhim ah ka hirgelinaysa Maamul-goboleedka Hirshabeelle.

Qorshuhu waa in halkaa laga hirgeliyaa hannaanka loo yaqaan soollarka ee qorraxda ku shaqeeya oo barxan (hybrid).

Qorshahan oo ay gacan ka gaysanayaan East Africa Energy Power ayaa lagu doonayaa in bilowga lagu soo saaro awood koronto oo uu cabbirkeedu gaarayo 1.2 megawatt.

Dalka Somalia ayaa aad ugu baahan in laga dhiso dhanka kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka, korontada, biyaha, internet-ka, waxbarashada, shaqooyinka, caafimaadka iwm.

Hadalsame Media