Nooca uu yahay xabsiga la geeyey Cali Xarbi & dacwaddiisa oo furantay (Jadwalka dhegeysiga oo la iclaamiyey)

0

(Hadalsame) 24 Okt 2021 – Ninka Soomaaliyeed ee ku eedaysan dilkii Xildhibaankii Xisbiga Muxaafidka ee Sir David Amess ayaa lasoo taagey Maxkamadda Old Bailey.

Ali Harbi Ali, 25-jir, ayaa kasoo muuqday Maxkamadda Dhexe ee Dembiyada markii ugu horreeysey isaga oo qaab fogaan arag ah khadka uga soo galay xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Belmarsh Prison oo la geeyo dadka uu dembigoodu aadka u culus yahay, waxaana lagu xirey min Abu Hamza ilaa Ian Huntle.

File photo dated 17/09/03 of David Amess, MP for Southend West in Essex, outside the Houses of Parliament in Westminster, London. Conservative MP Sir David Amess has reportedly been stabbed several times at a surgery in his Southend West constituency. Issue date: Friday October 15, 2021.
Sawirka: Sir David 

Cali lama waydiinin inuu galo waxa loo yaqaan plea oo ah inaad dembiga qirato kaddibna xukunka lagaa khafiifito maadaama aanu taa dalbanin qarreenka eedaysanaha Kevin Toomey, balse waxaa si rasmi ah loogu oogey khaarajintii Sir David, 69-jir, hal Jimce kahor iyo inuu falal argagixiso maleegey 1-dii Maajo 2019 iyo Sebtembar 2021.

Eedaysanaha oo xirnaa furaanad caddays ahayd ayaa lagu amrar inuu wejiga ka faydo maasgaraha u xirnaa isla markaana uu sheego magaciisa iyo maalintii uu dhashay, intii dhegeysiga lagu jirey.

Mr Justice Sweeney ayaa sheegay inuu dhegeysi hordhac ihi dhici doono 5ta Nofeembar, halka dhegeysiga xiga loo muddeeyey Maarso 2022-ka.

Hadalsame Media