Somalia oo Jabuuti oo dhisnayd intii ay burburka ku jirtey meel heer caalami ah uga hormarsan

0

(Hadalsame) 23 Okt 2021 – Dalalka Jabuuti iyo Aljeeriya ayaa isku haysta halkii lagu dheeli lahaa kulanka isreebreebka KA2022, kaasoo markii hore Jabuuti ay ogolaatay inay guri ahaan u adeegsato dalka Masar, balse ay ka baxday haatan.

Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ayaa dalbaday in ciyaar gurigooda loo wareejiyo dalka Marooko, balse Aljeeriya ayaan taa aqbalaynin maadaama aanu jirin xiriir diblomaasi ah oo ay haatan la leedahay dalka Marooko oo ay xiriirka u jareen.

Jabuuti ayaa lugta 2-aad ee isreebreebka la yeelanaysa Aljeeriya oo horay 8-0 ugu soo bahdishey, iyagoo doonaya inay ku dheelaan garoonka Grand Stade de Marrakech, 11-ka Nofeembar 2021.

Jabuuti ayaa waxaa arrintan ugu sabab ah iyaga oo aan haysanin garoon heer caalami ah oo martigelin ciyaaraha caalamiga ah, iyagoo aan shahaado ka helin FIFA & CAF, taasoo keentay inay u baahdaan inay garoon 3-aad ku dheelaan kulamadan.

Garoonka Istaadiyo Muqdisho ee dalka Somalia oo dayactir lagu sameeyey ayaa haysta shahaadada xiririka kubadda cagta ee FIFA iskaba daa CAF oo ah midka Afrikee, taasoo ka dhigan in Somalia oo aan lafteedu garoonkan ku ciyaari karin amaan xumo darteed, ay ugu yaraan ku ciyaari kari lahayd haddii ay amaan haysato.

Hadalsame Media