DAAWO: Barasaab Iiraani ah oo lagu dharbaaxay xafladdii caleemo saarkiisa kaddib markii uu nin xaaskiisa…

0

(Hadalsame) 24 Okt 2021 – Xaflad lagu caleemo saarayey barasaab Iiraani ah ayaa dhirbaaxo ku dhamaatay kaddib markii uu nin soo fuulay masraxa uu dhirbaaxo la helay barasaabka oo uu ku haysto inuu xaaskiisa usoo diray dhakhtar lab ah markii ay qaadanaysey tallaalka Covid-19.

Abedin Khorram ayaa loo magacaabay Barasaabka Gobolka Bariga Azerbaijan ee dhaca woqooyi galbeed Iiraan wuxuuna horay u ahaa Taliyaha Ciidamada Xaarisul Jamhuuriga ee gobolkaasi, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Faarisiga.

Ninka barasaabka dhirbaaxay oo aan markii hore ujeedkiisa la garan ayaa markii dambe la sheegay inuu ka caraysan yahay in uu xaaskiisa duray nin rag ah.

Waxaa markiiba rakadii hadalka soo fuulay ciidamadii amaanka oo ninkii qabtay isla markaana dejiyey daahii masraxa, waxaana markii dambe soo noqday barasaabka Khorram oo ka sheekeeyey berigii isaga oo taliye ahaa ay malliishiyaadku ku qabsadeen dalka Suuriya.

Hadalsame Media