Turkiga oo qabqabtay unugyo u shaqaynayey sirdoonka Mossad ee Israel (Cidna ma aaminayso dalalka ay kasoo jeedaan)

0

(Ankara) 22 Okt 2021 – Sirdoonka Turkishka (MIT) ayaa soo qabqabtay 15 basaas oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin hay’adda halista ah ee Israel ugu qaybsan basaaska caalamiga ah ee Mossad, waxaana ugu daran in dadka la qabtay ay ku jiraan Falastiiniyiin muddo laga raadinayey Turkiga.

Middle East Eye iyo Sabah ayaa bilowgii faafiyey xogta ku saabsan in MIT ay qabqabteen 15 nin oo u qaybsanaa 3 unugood oo dalka ku kala firirsanaa.

Laba nin oo arrintan xog ka haya ayaa sheegay intaa ku daray in sidoo kale ragga la xirey ee Yuhuudda u basaasayey ay ku jiraan qaar Suuriyaan ah, waxaana loo xilsaaray inay xogo ka keenaan saraakiisha Turkiga iyo ardayda Falastiin ee dalkaa wax ka barata.

MEE ayaa fahamsan in 6 Falastiiniyiin ah oo ilaa bishii hore la sheegayey inay Turkiga ku maqan yihiin ay ka mid yihiin dadkan la qabtay, waloow uu arrintan inkirayo mid ka mid ah walaalaha raggan la qabtay.

MIT ayaa sheegtay in raggan jawaasiista ihi ay fool ka fool ula kulmeen saraakiisha Mossad oo ay ku arkeen magaalooyin Yurub iyo Afrika ah sida Zagreb, Bucharest, Zurich iyo Nairobi.

MIT ayaa xustay inay xogaha Mossad ugu dirayeen ProtonMail, SafeUM, iyo WhatsApp.

Hadalsame Media