Atoore caan ah oo diley dadkii samaynayey film cusub oo uu soo wado + Sawirro & sida ay wax u dheceen

0

(Santa Fe) 22 Okt 2021 – Atooraha ruug-caddaaga ah ee Alec Baldwin ayaa ooyin meel la istaagey kaddib markii uu si kama’ ah uu qori boombale ah oo film-ka lagu jilayey ugu toogtey una diley agaasinkii film-ka (cinematographer) ee film-ka uu soo wado ee western-ka ah ama ay Soomaalidu kaabooyda (cow boy) u taqaan.

Alec oo 68-jir ah ayaa film-ka ku samaynayey Bonanza Creek Ranch, oo u dhow magaalada Santa Fe, gobolka New Mexico, markii ay xabbadu ka fakatay qiyaastii 1.50pm, markaasoo uu si xun u dhaawacay 42-jirka Halyna Hutchins isla markaana uu dhaawacay film qoraha Joel Souza, 48-jir.

Hutchins – oo la sheegay inay ahayd xaas la qabo oo hal carruur ah lahayd – ayaa loola orday University of New Mexico Hospital oo dayuurad lagu geeyey balse in yar kaddib naftu waa ka haaddey, halka Souza dhoolli loogu qaaday Christus St Vincent Regional Medical Center. Waa se laga soo saaray waloow aan xaalkiisa laga sheekaynin.

Ha yeeshee, Baldwin ayaa loo waday qaybta baarayaasha Santa Fe si su’aalo looga waydiiyo waxa dhacay, balse lama xirin oo markii dambe waa lasoo daayey waloow ay baaristu weli soconayso.

Waxaa lasoo sawiray isaga oo taagan bannaanka xafiiska Sheriff-ka booliiska New Mexico: Isagoo foorara oo ay ilmadu hibitiqlaynaysana telefoonka kula hadlaya qof kale.

Booliiska oo aan xog badan bixin ayaa sheegay in qoriga boombalaha ah ay rasaasi ka dhacday taasoo haleeshay Hutchins iyo Souza, waloow aysan caddayn waxa ku cabbaysnaa, iyo in film jilliinku markaa socdey iyo inay baroobo socotey iyo in kale.

Afhayeen u hadlay Rust Movies Productions LLC ayaa arrintan ”shil” ku tilmaamay, isagoo sheegay in howlwadeenkii iyo jilayaashii film-ku ay muraaradillaaceen oo haatan howshii la hakiyey.

Hadalsame Media