”Turkigu wuxuu isku ballaarinayaa dalal Afrikaan ah oo ay Somalia ku jirto!” – Saxaafadda Faransiiska oo afka furatay & arrin ay farta ku fiiqeen

0

(Paris) 20 Okt 2021 – Saxaafadda Faransiiska ayaa si gaar ah ula soconaysa booqashada MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan uu ku tegayo Afrika, gaar ahaan heshiisyo ay sheegeen in la filayo inuu dalal qaaradda ku yaalla uga iibiyo daroonnadiisa.

Maalinlaha Le Figaro ayaa qoray “Erdoğan wuxuu xoojinayaa joogistiisa Afrika,” isagoo intaa raaciyey in markii ay gumaystayaashii Galbeedku ay Afrika ka xiise dhaceen 2000, uu Turkigu haatan xoojinayo joogista dalalka ”Afrikaanka ah ee Muslimka ah”, sida Somalia iyo Libya.

Wuxuu intaa raaciyey in Turkish Airlines (THY), ay tahay shirkadda qura ee caalami ah ee duullimaad toos ah ku tagta Muqdisho oo ay Galbeedku duqaynayeen intii u dhaxaysey 1992-kii ilaa 1994-kii.

Waxay kale oo qoreen in Turkigu uu daroonnada UAV ka iibin karo Angola oo uu Isniintii booqday Erdoğan, wuxuuna ka jawaabayey booqa uu MW Joao Lourenco ku tegey Turkey 3 bilood kahor, iyagoo doonaya Bayraktar TB2, oo dhowr dagaal wacdaro ka dhigay.

Idaacadda Faranjiga ee RFI ayaa iyadna sheegtay in Erdoğan uu doonayo inuu isku ballaariyo Afrika, isagoo booqanaya Angola, Nigeria iyo Togo, isagoo sidoo kale daroonno ka iibinaya Ethiopia, Tunisia iyo Morocco, tiiyoo ay daroonnada Turkiga ka rakhiisan yihiin kuwa Galbeedka kana tayo badan yihiin kuwa Chinese-ka, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media