Duuliye Maraykan ah oo muddo maxbuus ku ahaa magaalada Muqdisho oo xil sare isu sharraxay

0

(Hadalsame) 20 Okt 2021 – Mike Durant oo horey duuliye uga ahaa mid ka mid ah diyaaradihii Black Hawk ee lagu soo riday magaalada Muqdisho, sannadkii 1993 ayaa shaaciyay in uu u tartamayo doorashada Aqalka Senet-ka ee la filayo in ay Mareykanka ka dhacdo sannadka soo socda, sida ay ku warrantay warbaahinta Alabama.

Mike Durant wuxuu ku dhawaaqay in uu ka qeyb qaadan doono doorashada isreeb reebka ee lagu soo baxayo tartanka doorashada Aqalka Senetka ee gobolka Alabama.

Ninkan ayaa markii uu ka fariistay shaqada militariga wuxuu u wareegay shirkad qaabilsan adeegyada injineeriyadda.

Wuxuu sheegay in noloshiisa uu ku bixiyay u adeegidda dalkiisa, haddana uu doonayo in uu u tartamo xil sare, baddalkii uu howlgab iska ahaan lahaa.

Bishii Oktoobar sannadkii 1993, Diyaaraddii Black Hawk ay la socdeen Durant iyo ciidamo kale ayaa lagu soo riday Muqdisho, ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ciidamadii Mareykanka.

Durant ayaa muddo 11 maalmood ah, afduub ahaan loogu haystay magaalada Muqdisho, ka dib markii gacanta uu u galay ciidamadii Ceydiid.

28 sano ayaa ka soo wareegtay markii ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnaa lagu dilay howlgalka oo ay sidoo kale waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay ciidamadii Qaramada Midoobay ee loo diray Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii 18 askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ka soo dagaallamay, loo kordhiyay darajada ciidannimo, taas oo u ah abaalmarin lagu sharfay.

Billadaha dallacsiinta askarta oo noocoodu yahay xiddigaha Qalinka ah ayaa la siiyay askartan oo 28 sano ka hor ka tirsanaa militariga Mareykanka qaybta saddexaad, guutada 75-aad, kuwaasoo horay u heystay billadaha xiddigaha maarta ah.

Ragga howlgabka ah ee billadaha la siiyay ayaa kala ah: Alan Barton, John C. Belman, Kenneth P. Boorn, James M. Cavarco, John M. Collett, Michael Collins, James C. Joyce, Brad M. Paulsen, Larry D. Perino, Robert R. Phipps II, Dominick M. Pilla, Randall J. Ramaglia Jr, John D. Stanfield, Michael Steele, Richard Storus, Jeffrey D. Struecker, Joseph F. Thomas iyo Sean T. Watson.

Dhammaan xubnaha la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa ahaa ciidankii ka baxay Soomaaliya ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ee 1993, sida ay qortay BBC.

Hadalsame Media