Booliiska oo sheegay bartilmaameedyo kale oo uu Cali weerari karey (Halka uu midida ka keenay oo yaab leh & hal arrin oo ay booliisku doonayaan)

0

(London) 20 Okt 2021 – Booliiska UK ayaa ku doodaya in Ali Harbi Ali lagu ag arkay bartilmaameedyo kale oo ay dhici kartey inuu weeraro kahor intaanu sida lagu eedaynayo dilin Xildhibaan David Amess.

Baarayaasha dabagalka wada ayaa dib u raacaya raadadkii Cali iyagoo adeegsanaya muuqaalka kaamarooyinka amaanka ee CCTV, ayaa soo ogaadey in ninkani uu tegey xafiisyo ku yaalla faras-magaalaha London.

Booliiska ayaa sidoo kale isku deyaya inay helaan ciddii uu Cali la xiriirey kahor intii aan la qabanin Jimcihii.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in 25-jirkani uu isaga oo aanay ka qasnayn uu si deggan u wacay ama farriin qoraaleed u diray dad uu la xiriirey kaddib markii uu 17 jeer toorreey la dhacay Sir David oo ku sugnaa halka laga soo doorto ee Essex.

Shalay waxaa la ogaadey in middida David lagu diley uu ninkani kasoo qaatay jikada kaniisad ku taalla Leigh-on-Sea oo uu ku dhintay Xildhibaanka Xisbiga Tory.

Cali ayay dadkii iskuulka ku yaqaanney ku tilmaameen nin degganaa oo aan siyaasadda sidaa u danayn jirin, iyadoo uu aabihii la taliye u ahaa RW Somalia, halka awoowgii uu ahaa Danjirihii Somalia ee Beijing.

Hadalsame Media