Facebook oo magaca laga bedelayo (Goorta lagu dhawaaqi karo & magaca la hadal hayo?)

0
FILE PHOTO: A 3D-printed Facebook logo is seen placed on a keyboard in this illustration taken March 25, 2020. REUTERS/Dado Ruvic/Illustration

(Menlo Park, CA) 20 Okt 2021 – Camaaliqada baraha bulshada ee ay fadeexaddu hareeysay ee Facebook ayaa la sheegay in magaca laga bedeli doono, si uu uga turjumo hanka Mark Zukerberg oo doonaya inuu isu sawiro aragti-yahan tiknolojiyadeed.

Magacan cusub oo lagu wado in lagu dhawaaqo 28-ka bishan Oktoobar oo la qabanayo Shirwaynaha Connect amaba kahor, ayaa ka shidaal qaadanaya sida ay Google shirkadda iska leh ugu magacowday Alphabet 2015-kii, si ay u muujiso inaysan kaliya ahayn matoor wax looga baaro internet-ka, iidhehdana maamula.

Verge ayaa qoraysa in Facebook ay sidoo kale doonayaan inay muujiyaan inay ka mid yihiin horseedka tiknolojiyadeed ee dunida maanta sida ka muuqata maalgelinta culus ee ay ku sameeyeen bikaacyada runta u eg VR & AR.

Maamulka Facebook oo ay sidoo kale hoos tagaan sharikaad kale sida Whatsup, Instagram iyo qaar kale, ayaa ka baaraandegaya magac wadareed cusub, waxaana la hadal hayaa magaca Horizon.

Yeelkeede, maamulka Facebook ayaa diidey inay sii kashifaan magaca cusub ee ay bixin karaan, waxay se ballan qaadeen inay Midowga Yurub oo qura ka qoranayaan ilaa 10,000 oo shaqaale ah 5ta sanadood ee soo aaddan.

Hadalsame Media