Wuxuu nolosha ku gubey labadiisii gabdhood & 4 carruur ah oo ay dhaleen (Tan ugu darani waa sababta uu intaa u sameeyey)

0

(Muzaffargargh) 19 Okt 2021 – Aabbe u dhashay Pakistan ayaa loo haystaa dilka laba gabdhood oo uu dhalay iyo 4 carruur ah oo ay sii dhaleen kaddib markii uu dab qabadsiiyey gurigii ay ku jireen, isagoo falkaa xun u samaynaya in gabdhaha middood ay guursatey nin uusan la rabin, sida ay booliisku sheegeen.

Manzoor Hussain ayaa waxaa haatan ugaarsi ku haya booliiska kaddib markii uu dab ku dhejiyey guri ay ku wada jireen walaalaha Fauzia Bibi iyo Khurshid Mai tuulo ka tirsan Muzaffargargh oo ku taalla bartamaha Pakistan, sida uu Abdul Majeed oo booliiska u hadlay u sheegay Reuters. Ninkii Mai qabey ayaa isna dabka ku dhintay.

Bibi ayaa guursatey Mehboob Ahmad 18 bilood kahor kaddib markii ay is jeclaadeen, waxaana arrintaa iskula dhacay labada qoys ee ay labadoodu kasoo kala jeedaan, sida uu booliisku xaqiijiyey.

Hussain, oo ah aabaha tacaaladan dhigay ayay booliisku baadigoobayaan isagoo ku noolaa xaafad u dhow guriga uu gubey, iyadoo ninka Bibi uu guriga ka maqnaa xilligii gubitaanka isagoo sheegay inuu yimid gurigii oo basay mar uu aroor hore shaqo ka yimid.

Ahmad ayaa intaa raaciyey in in wiil 4-jir ah oo ay Bibi u dhashay iyo 3 kale oo ay Mai dhashay oo kala jirey 2,6 iyo 13 sano ay halkaa ku baseen.

Boqollaal haween ah ayaa dalka Pakistan waxaa sanad kasta ku dila qaraabadooda ama qoyskooda, taasoo dhacda marka ay guursadaan qof aanu reerkoodu la doonayn, waxaana loo yaqaan ”dilka sharafta”.

Hadalsame Media