Muran ku saabsan cudurka Covid-19 oo ka dhashay geeridii Jen. Colin Powell (Sharraxaad la bixiyey)

0

(Hadalsame) 19 Okt 2021 – Wasiir Dibadeedkii hore ee Maraykanka ee Colin Powell ayaa Axaddii u dhintay cudurka Covid-19, tiiyoo ay qoyskiisu xaqiijiyeen inuu qaatay labada tallaal ee cudurka, waloow uu 84-jir ahaa isla markaana uu qabey cudurka multiple myeloma, oo ah kansarka dhiigga.

Saraakiisha caafimaadka ayaa ka walaacsan in geerida Powell ay ka faa’iidaysan karaan dadka ka ololeeya tallaalka karoonaha, iyagoo ku doodaya in haddii uu qof tallaalani cudurkii u dhimanayo muxuu tarayaa tallaalku?

Yeelkeede, CCN ayaa arrintaa waxaa la gorfeeyey Dr. Leana Wen, oo ka tirsan George Washington University machadkeeda Milken Institute School of Public Health, taasoo sheegtay in  tallaalka Covid-19 uu aad wax uga taro la dagaallanka cudurka, iyadoo ku doodday in ay daraasaadkii ugu dambeeyey ay muujinayaan inuu 6-laab qofka ka hor istaago inuu qofka ku dhaco cudurka Covid-19 iyo inuu u dhinto 11-laab.

Waxay taasi ka dhigan tahay in haddii aad tallaalan tahay aad 6 jeer ka difaac adag tahay qofka aan tallaalnayn, 11 jeerna aad ka fursad fiican tahay dadka aan kasoo kabanaynin, sida ay qabto DR Leana.

Yeelkeede, tallaalka Covid-19 ayaan qofka anfacin 100%. Mana jiro tallaal sidiisaba 100%, sida aanay u jirin dawo 100%, taasi se kama dhigna in tallaalkii uu fashilmay ama ay tahay inaad iska dhaafto qaadashadiisa, waayo 95% waa wax ku ool, balse waxaa jirta 5%.

Powell ayaa tusaale ahaan qabey cudurro halis ah oo sahlaya inuu qofku aad u darsado marka uu ku dhaco Covid-19.

”Haahey, marka la eego wuxuu Jen. Powell ku dhacayaa qaybtaas, waayo wuxuu ahaa nin gabow ah oo misna leh xaalado caafimaad oo halis ahaa.” ayay tiri Dr Wen.

Hadalsame Media