”Caddayn ma hayaan!” – Dad Nigerian ah oo sheegta inay Yuhuud yihiin & jawaab jees jees ah oo ay kala kulmeen Israel + Sawirro

0

(Abuuja) 19 Okt 2021 – Isagoo xadraynaya ayuu madaxa kor iyo hoos u gundhinayaa, waa Shlomo Ben Yaakov oo akhrinaya kutubka Toorah isagoo ku sugan meel macbad ah oo ku yaalla afaafka hore ee Abuuja, oo ah caasimadda Nigeria.

Ninkan oo cod dananaya ku akhrinaya afka Cibraaniga ee Yuhuudda ayaa waxaa la joogta jamaaco uu u laqimayo oo ka daba akhrinaysa.

Badankoodu xitaa fahmi maayaan waxa ay akhrinayaan, balse waa bulsho yar oo Nigerian ah oo iska dhaadhiciyey inay Yuhuud kasoo jeedaan oo ay halkaa kasoo tafiirmeen boqollaal sano kahor, balse wax aqoonsi ah ayay ka la’yihiin Israel.

“Waxaan anigu isu arkaa Yuhuudi,” ayuu ku dooday Mr Yaakov.

Bannaaka macbadka Gihon Hebrew Synagogue oo ku yaalla afaafka Jikwoyi, waxaa la dhigay miis ku dhex jira meel buul ah oo laga sameeyey caleemaha naarjiilka si loogu maamuuso Sukkot, waa faysto lagu xuso sanadihii ay Yuhuuddu Tiiha ku jirtey markii ay Masar kasoo carareen.

“Xafladdan aannu halkan ku dhigayno oo kale ayaa haatan ka soconaysa Israel,” ayuu yiri Mr Yaakov, oo ay wehliyaan dadka rooti la yiraahdo Cholla oo macbadka lagu sameeyey ku fuudaya khamri.

Ninkani waa qoowmiyadda Igbo oo ka mid ah 3-da qoowmiyadood ee ugu ballaaran dalkaasi, magaca uu qabiilkiisu ula baxayna waa Nnaemezuo Maduako.

Dad badan oo Igbo oo tiro ahaa gaaraya 35milyan ayaa ayaa mar dhexdaas ah bilaabay inay ku doodaan inay ka mid a yihiin 10-qabiil oo Yuhuud oo lumay. Dadkaa lumay ayaa la sheegaa in la qafaashay markii la qabsaday boqortooyadii Yuhuudda qarnigii 8-aad Nabi Ciise (CS) kahor. Waxaana dadka inay lumeen sheegta ka mid ah Yuhuudda Itoobiya ee Falaashada, balse kuwaa waa la aqoonsaday.

Igbo ayaa sidoo kale ku doodaya inay Yuhuudda la wadaagaan dhaqamo ay ka mid yihiin in labka la gudo, in qofka dhinta 7 maalmood loo baroorto, in dhalashada bisha loo dabbaaldego iyo in meherka aroosyada lagu qabto meel teendho oo kale ihi ay xoojisey inay Yuhuud yihiin, mase jiraan wax caddayn ah.

Chidi Ugwu, oo ah Igbo yaqaanna culuunta raadadkii hore (anthropologist) kana tirsan Jaamacadda University of Nigeria ee ku taalla Enugu, ayaa ku doodaya in sheegashada Igbo ee Yuhuuddu ay tahay wax uun soo baxay kaddib Dagaalkii Biafra ee 1967-70-kii oo ilaa 1 milyan looga diley Igbo oo doonayey in ay ka go’aan woqooyiga oo Muslim u badan.

“Dadka qaar ayaa raadinayey wax ay niyadda ku dhistaan kaddib jabkii dagaalka. Waase gef in Igbo-da lagu tilmaamo qabiil cidna ka lumay, mana jirto caddayn sooyaal iyo mid raad oo arrintaa xoojinaysa,” ayuu Ugwu u sheegay BBC.

Kaaga darane, dhowr sanadood kahor waxaa la isku dayey in la qaado dhecaanka hidde-sidka (DNA), balse waa lagu guuldarraystay in wax isku nooc ah ama Yuhuudnimo muujinaya la helo.

Rabbi Eliezer Simcha Weisz, oo ah Guddoonka Qaybta Dibedda ugu qaybsan Golaha Wadaadada Yuhuudda ee Rabbinate Council of Israel – oo sidoo kale qaybta go’aamisa dadka u nisba sheegta Yuhuudda, ayaa isna shaki muujiyey.

“Waxay sheeganayaan inay kasoo jeedaan qabiilka Gad, mid ka mid ahaa ilmihii awoowgeen Yacquub (CS) – balse ma hayaan wax caddayn ah.” ayuu si jees jees ah ugu sheegay BBC, isagoo ku dooday in ay dad badani meelaha qaar iskaga dhaqan ekaan karaan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media